X

Dil ka dhacay Boosaaso iyo cida gaysatey

Dil ka dhacay Boosaaso iyo cida gaysatey. Waxa baryahan kordhey dilalka qorsheysan ee argagixisadu ka fuliso Boosaaso oo ah xarunta ganacsi ee gobolada Bariga Somaliya. Argagixisada shabaab garabkeeda Daacish ayaa saldhigyo ku leh buuraha gobolkaasi.


Sida aan warka ku helayno Laba dhalinyaro ah oo gacan ku dhiigleyaala ayaa la sheegay in toogteen nin ganacsae oo lagu magacaabo Marxuum Cabdiqadir Maxamed Saleebaan  oo Magaalada Boosaaso sidda wanaagsan looga yaqaano.


Waxa marxuunka la socday aabihii oo isna ay dhaawaceen. Gacanku dhiigleyaasha ayaa goobta ka baxsaday intaan ciidamada amnigu goobta soo gaarin.


Ciidanka amniga ayaa sheegay inay ku daba jiraan ilaa hadda garanayn sababta ninkaan loo beegsadey laakiin u eg inuu diidey bixiyo baad.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.