X

Madaxweynaha Eriteriya Afwerki oo ka soo degay Muqdisho iyo arimaha ku xeeran

Madaxweynaha Eriteriya Afwerki ayaa ka soo degay Muqdisho. Afwerki ayaa joogi jirey Muqdisho xilligii uu mucaaradka ah ee uu ku jirey dib u xoreynta dalkiisa uu hadda ka yahay madaxweynaha.


Waxa garoonka ku soo dhaweeyay madaxweyne Farmaajo iyo qaar ka mida golihiisa wasiirada. Afwerki ayaa waxa la socda xubno ka tirsan golihiisa wasaarada.

Xiriirka geesja ayaa furfurmey intii uu xukunka Itoobiya la wareegay Cabi Axmed oo lagu tilmaamo geesiga geeska muddo laga joogo 300 oo sano. Afwerki ayaa isku dayaaya inuu dhamaado xiisada u dhaxaysa iyaga iyo Jabuuti.


Siyaasada geeska ayaa welli ku taagneyn rukuno adag maadaama oo xubin firfircoon a qaadan lahayd ay lugaha haystaan dadkeeda iyo weliba wadamo ku jira qaramada midoobey oo Ingiriisku ugu horeeyo oo raba in Somaliya ku jirto gacanta shisheeyaha.


Booqashada Afwerki waxa ka horeeyay booqasho uu wasiirkiisa arimaha dibedda ku yimi Muqdisho. Si kastaba ha ahaatee xiriirka gobolka ayaa u baahan inuu adkaado ayagoo qabsan kara waxyaabo haddii la dhameeyo xiisadha dhul ee gumeystihii Ingiriisku kaga tagey iyo weluiba Somaliya oo cagaheeda isku taagta.

 

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.