Waxa mardhow lagu diley magaalada Laascaanood ee gobolka Sool nin gudoomiye doorasho ugu magacownaa maamulka Somalilaan ee jooga Laascaanood. Ninkan ayaa lagu magacaabaa C/llaahi Labago’le.
Wararka ayaa sheegaya in ragga diley ay isla markiiba goobta ka baxsadeen ayagoo ku dhiftey xabad weliba qarqarka sare. Waxa loola cararay isbitaalka laakiin waxa la xaqiijay inuu geeriyooday.
Ilaa hadda lama garan karo sababta loo beegsaday ninkaas waxayse u egtahay mid shaqo ku leh arimaha doorashada inkastoo reer Sool ayna si weyn uga mid ahayn maamulka Somalilaan laakiin siyaasiyiin iyaga ka mida ay taageersan yihiin.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay