X

Dil ka dhacay suuqa Bakaaraha Muqdisho iyo cida la diley

Dil ka dhacay suuqa Bakaaraha Muqdisho. Wararka ka imaanaya suuqaasi ayaa cadeeyay in halkaasi lagu diley shaqaale ka tirsan shirkada isgaarsiinta ee Hormuud ee Koofurta ka dhisan.


Argagixiso ayaa laba ka mida shaqaalaha shirkadaasi ku dhex diley suuqa ayagoo rasaas si dhow ula eegtay isla markiina goobta ka cararay. Dilalka argagixisada ayaa dhaca maalin kasta.


”Laga yaabe in argagixisada laga diidey baad ay ka qaadi jireen taasna ay sababtey dilka labadaan dhalinyaro ee ay dhoogooda xalaashadeen ayuu yiri nin ganacsade ah oo ka agdhawaa goobta dilku ka dhacay.

Argagixisada ayaa caadi uga shaqaysta suuqan waxayna fuliyaan dilal qorsheysan ayagoo madaxa duuban.

Ciidamada amaanka ayaa dilka ka dib gaaray goobta uu dilka ka dhacay iyagoo halkaasi ka qaaday meydadka labbada ruux ee la dilay. Maamulka gobolka Banaadir ayaa ku fashilmey inuu suuqa amnigiisa ilaaliyo.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.