X

Haweenay Marookaana oo jacaylkeeda dishey waxase ka daran waxa kadib ay samaysay

Haweenay Marookaana ayaa jacaylkeeda ku dishey Imaaraadka waxase ka daran waxa kadib ay samaysay. Haweenaydan oo da’deedu tahay sodomeedyadii ayaa guursatay wiil isagu ku jira labaataneedyadii.

 Waxay labadan lamaane oo ka soo wada jeeda Marooko is qabeen 7 sano. Haweenayda dishey ninkeeda ayaa iyadu ahayd tan biisha ninkeeda, waxayna ku noolaayeen gobolka Al-cayn ee xadka la leh Cumaan.


Haweenayda oo aan magaceeda la sheegin ayaa qiratey inay dishey ninkeeda markii uu ku yiri wuxuu guursan rabaa gabar kale oo Marooko joogta oo ay ilma adeer yihiin.

Cadhadii ka dhalatey hadalkaa ayaa kaliftey inay disho ninkeeda, waxase ka sii daran inay hilibkiisa qurub qurub u jarjartey kadibna ay bariis ugu karisey koox Bakistaani ah oo wastaadiin ah oo ka shaqeeya dhisme u dhow gurigeeda.


Waxay qiratey inay uga dhigtey raashin isku dhexkarisa oo loo yaqaan MASHBUUX. Waxayna raacisay in dilka kadib ay ka codsatey akhiyaar inay ka caawiyaan sidii guriga looga nadiifin lahaa dhiiga.

Sida kaliya ee lagu ogaadey inay bariis ku dhex karisay hilibka ninkeeda ayaa ah markii ninkeeda walaalkeed uu baadi goobey kadibna guriga uu tagey si uu u weydiiyo waxa ku dhacay oo uu arkey ilig ku dhexjira mishiin cuntada lagu shiito.


Haweenayda ayaa sheegtay inay maskaxdu rogentay oo waali ku dhacdey markii uu u sheegay inuu la guursanayo. Booliisjka ayaa haweenayda u qaadey dhakhtar si loo baaro cudurka haya.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.