X

Dilkii foosha xumaa ee Mombaasa oo loo qabtey gabadh Somali ah

Booliiska Kiiniya ayaa sheegay inay qabteen haweenay Somali ah oo lagu sheegay inay ahayd qofkii ugu dambeeyay ee la socday Najma Cabdullahi Macallin oo meydkeeda laga helay magaalada. Booliiska ayaa laga xigtey in ay Najma ku taalay nabaro halis ahaa.


ā€¯Faaisa Cali Xasan waxay gabadhii u dambeysay ee la socotey Najma ayuu yiri booliiska waxay dalbadeen in jeelka lgu hayo inta la baarayo kiiska.

Booliiska ayaa raba in jeelka lagu hayo Faaisa muddo 14 cisho oo ay sheegeen inay baxsatey tan markii la helay meydka Najma Cabdullahi oo ay tagtey gobolo kale si aan loo helin laakiin lagu guulaystey.


Dacwada ka dhana Faaisa ayaa socon doonta ilaa haddana lama garanayo waxa sababay inay gaysato dilka lagu soo eedeeyay.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.