Kadib dilkii foosha xumaa ee habeen hore ka dhacay magaalada Christiansand ee Dalka Norwey booliiska dalkaasi ayaa war ka soo saaray cida ka dambeysay dilka.
Dilka loo gaystey Yacquub Abdullahi Hassan oo 14-jira iyo Tone Ilebekk oo 48-jira ayaa ka nixisay bulshada degan magaaladaasi oo ah magaalo aan dagaal iyo rabshado lagu ogeyn.
Booliiska ayaa sheegay in ay dilkan u hayaan wiil 15-jir ah.
Waxa ay boolisku sheegeen in wiilkan 15-jirka ah oo dhalasho ahaan Norwiiji ah uu horay ka qirtay dilka labadan ruux kaddib markii ay boolisku ku eedeeyeen in uu falkaasi isagu geystay.
Booliska oo baaris iyo wareysiyo ku hayay wiilkan tan iyo salaasadii ayaa waxaa uu xalay abaarihii sagaalka (21:00) uu boolisku u sheegay in uu isagu falkaasi ka dambeeyay, mana aysan sii faah-faahin boolisku sababta ku kalliftay.
Wiilka wax dilay ayay boolisku sheegeen in uu asxaab la ahaa marxuum Yacquub, waxaana ay arrintani ku wargeliyeen ehelada labada ruux ee la dilay.
Booliiska ayaan shaaca ka qaadin waxa ku kalifay yarkan in uu dilka gaysto, waxana laga sii naxay da’da uu jiro iyo dilka uu gaystey.
Booliska ayaa sheegay in xabsiga loo taxaabay gacan-ku-dhiiglaha, waxaana sidoo kale arrinta la soconaya waalidkiisa.
Warkan cusub ee boolisku sheegay ayaa imaanaya xilli gabar soomaaliyeed oo lagu magacaabo Muna Maalin ay booliska u sheegtay in wax yar uun ka hor inta aan la dilin Yacguub ay dariishadeeda ka aragtay isaga iyo wiil “caddaan” ah oo wada socda.
Arrintan ayaa waxaa ay neefta ka fujineysaa dadweynaha ku nool magaalada Christiansand, gaar ahaan ajaaniibta magaaladaasi ku nool oo cabsi iyo wel-wel lasoo daristay.

Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS
![jacobdilqirasho[1]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2016/12/jacobdilqirasho1-300x209.jpg)
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay