X

Diyaar sidey raiisal wasaaraha Bakistaan oo deg-deg u fadhiisatay yaase amaahiyay

Diyaaradii sidey raiisal wasaaraha Bakistaan ee  Ka soo duushey xarunta qaramada midoobey ayaa samaysay dib u laabasho afar saacadood kadib deg degna u fadhiisatay garoonka New Yook. Diyaarada ayaa la sheegay inay ku timi cilad farsamo oo lagu sheegay dhinaca korontada.


Hadaba diyaarada ayaa waxa amaahiyay Bakistaan dhaxal sugaha Sucuudiga waa ninka lagu magacaano gacan ku dhiigle Maxamed Salmaan maadaama Bakistaan awoodin inay yeelato diyaarad qaasa.

Wadaha diyaarada ayaa dib ugu celiyay afar saacadood markay Ka soo duushey magaalada New Yook oo Cimraan Khaan uga qayb geliyay shirka wadamada qaramada midoobey.


Diyaarada ayaa dul socotey magaalada Toronto ee dalkaasi Kanada. Cilada diyaarada ayaa lagu guulaysan waayay in la xaliyo taas oo keentay in Cimraan habeenkale u hoydo New Yook.

Waxa la filayaa inuu soo raaco diyaaradaha caadiga ah ee soo baxaya maanta oo Sabtiya.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.