X

Khasaare Ka dhashay gaari rasaas lagu furey duleedka Cadaado

Gaariga la rasaaseeyay ayaa ka tegay Magaalada Muqdisho hayeeshee,waxase rasaas lagu furey markii uu marayay inta u dhaxeysa deegaannada Godinlabe iyo Mareergur oo u dhow Cadaado, waxana la sheegay in ay rasaaseeyeen rag hubeysan oo watay Gaari kaleĀ  ay kusayagoo xilliku sii jeeda jeeda Gaalkacyo.


Inta la xaqiijiyey waxaa ku geeriyooday laba qof oo kale ahaa nin caawiye ka ahaa Gaariga iyo haweeney rakaabka ka mid aheyd oo dhaawac culus oo soo gaaray ugu geeriyootay Isbtitaalka Magaalada Cadaado halka uu dhaawac soo gaaray Darawalkii Gaariga.

Dad ka ag-dhawaa goobta dilkan ka dhacay ayaa sheegay in raggii ka dambeeyay rasaaseynta gaariga ay goobta ka baxsadeen.


Waa dilkii labaad oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhacay Galguduud xilli shalay xoolo dhaqayso lagu diley halkaas.

Gobolka ayaa noqdey Kan ugu fowdada badan oo dhiiga dadka layska xalaalaystey sida goobaha argagixisada Ka taliso.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.