12/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Diyaarad ay Bakistaan leedahay oo ku burburtey buur u dhow caasimada

Diyaarad ay leedahay shirkada diyaaradaha ee dalkaasi Bakistaan ayaa ku burburtey buur u dhow caasimada Islamabaad. Diyaaradan ayaa waxa saarnaa ilaa labaataneed qof, Afhayeeen u hadlay ciidanka ayaa sheegay in aan laga badbaadin.

Qolfoofka diyaarada oo gubanaysa ayaa lagu arkey buurta dusheeda oo janjeedha waxana goobta gaadhay diyaaradaha ciidanka Bakistaan. Ciidanka Bakistaan ayaa sheegay in diyaaradu qaraxdey waxyar kadib markii ay degi lahayd.

Diyaaradan ayaa ka soo duushey magaalo ku taal xadka Bakistaan iyo Shiinaha. Waxa hadda socota in la helo khaanada madow ee lagu kaydiyo isgaadhsiinta diyaarada si loo ogaado waxa keenay burburka.

Pakistan-airline-crash-747926[1] pakistan-plane-crash[1]

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS