Dawlada Kiiniya ayaa xaqiijisey burburka diyaarad ay leeyihiin oo ah kuwa qumaatiga u kaca ayna leeyihiin milatariga dalkaasi kuna burbutey xadka Somaliya iyo Kiiniya deegaanka lagu magacaabo Laamo.
Shilkan Diyaaradeed ayaa la sheegay in uu dhacay kadib markii ay Diyaarada salka dhulka ku dhufsatay xili ay ka dageysay garoonka, waxaana xiligaa kadib dab qabsaday Diyaarad dabkaa oo bur buriyay gabi ahaanteeda.
Labo Duulie oo saarnaa diyaaradaasi ayaa la sheegay in ay shilka ku dhaawacmeen laguna daweenayo Isbitaal Ciidamada ay leeyihiin, waxaana bur burka diyaaradan la sheegay in ay ka dambeysay cilad farsamo oo lasoo daristay.
Diyaaradaan ay lahaayeen Ciidamada Milatariga Kiiniya ee bur burtay ayaa nuuceeda ahayd The Hughes MD-500 Defender helicopter ayaa kamid aheed kuwa uga awooda badan ee loo adeegsado howlgallada difaaca .
Afhayeenka Ciiddanka Kenya, Kolonel David Obonyo ayaa xaqiijiyay jiritaanka shilkan diyaaradeed ee ku bur burtay saldhig ay Ciidamada Cirka Dlaka Kiiniya ku lahaayeen Deegaan katirsan Degmada Lamo oo dhacda xadka Soomaaliya iyo Kiiniya wadaagaan.
Diyaarada bur burtay ayaa kamid aheed Diyaardaaha dhinaca sirdoonka iyo ilaaladaha Xuduuda Kiiniya ka qeyb qaadaneysay, waxa ayna Diyaarad kasoo laabatay duulimaad sirdoon oo ay kasoo sameesay xadka ay wadaagana Soomaaliya iyo Kiinya.
Argagixisada shabaab ayaa dhawr mar weeraro ku qaaday deegaanka Laamo iyagoo xasuuqay dad shacaba oo aan waxba gaysan.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS.COM
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay