X

Diyaarad bad ku dul socota iyo baylood bun ka daatey maxaa dhacay kadib?

Diyaarad rakaab badan sida ayaa Ka soo duushey dalkaasi Jarmalka ayadoo ku socota dalkaasi Megsiko markii mid ka mida  bayloodada uu bun kaga daatey qaybta geerku ku yaalo oo ah maqsin buuxa oo xadhko gudaha ugu jiraan. Qayb Ka mida xargahaas ayaa dhalaalay.


Diyaarada oo ah nooca loo yaqaan eerbus ee ay sameeyaan reer Yurub ayaa Ka kacday magaalada Franfeert ee dalkaasi Jarmalka kuna socotay dalkaasi Megsiko.

Waxa fuushanaa 326 qof markii bunkani ku daatey maqsinka geerka diyaaradu ku yaalo. Waxay dul socotey dalkaasi Ayrlaan.


Waxa markii shaqayn waayay qaybta lagala hadlo dadka rakaabka ah ee cod baahiyaha, waxana markan la urinayaa wax  gubanaya.

25 daqiiqo kadib maqsinkii xargaha qaybta maamusha diyaarada ayaa badhanadii bilaabeen inay dhalaalaan, xilligan waxay diyaaradu dul heehaabaysaa bartamaha badda loo yaqaan Atlantik.

Bayloodka diyaarada oo khibrad saaida leh wuxuu markan go’aan ku gaaray inuu dib u celiyo diyaarada.


Waxay diyaaradii nabada ku fadhiisatay madaarka Shaman ee dalkaasi Ayrlaan. Waxa hadda wixii ka dambeeya loo sheegay inayna isticmaalin koob dhaaha ama bun ah oo bilaa daboola sida sawirka hoose ku aragtaan.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.