X

Dil jacayl salka ku hayay oo Muqdisho Ka dhacay

Waxaa xaafad katirsan degmada Xamar Weyne ee gobolka Banaadir ka dhacay dil argagax leh oo la sheegay in uu salka ku hayay jaceyl u dhaxeeyay wiil iyo gabadh dhalinyaro ah .


Wiilka iyo gabadha xidhiidhka Jacaylku ka dhaxeeyay oo meel wada fadhiyay ayaa waxaa si lama filaan ah ugu yimid wiil la dhashay gabadha oo ka cadhaysan Xidhiidhka Walaashii kala dhexeeyay Wiilka ay dooratay.

Wiilkii walaashiis la fadhidey wiillka uu jacaylku Kala dhexeeyay ayaa walaashiis  durba canaan iyo garaacis ku bilaabay, waxaana arintaasi la sheegay in uu u adkaysan waayay wiilka Xidhiidhku kala dhaxeeyay gabadha oo damcay in uu Ka qabto gabadha.


Goobjoogayaal ayaa ku waramay in wiilka gabadha la dhashay uu jeebka ugu jirey  maqas kadibna si la filaana caloosha Ka geliyay halkaasna ku dhiig baxay kuna djintey. Wixuuna ka cararay goobta.

Ciidamo booliis ah ayaa yimid goobta uu ka dhacay dilka argagax lahaa, waxayna bilaabeen inay raadiyaan gacan ku dhiiglaha.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.