X

Diyaarad dhaawacyo kale ka qaadey Muqdisho iyo halka loo qaadey

Diyaarad ayaa dhaawacyo kale ka qaadey Muqdisho, dhaawacyadaas ayaa ka mid ahaa xasuuqii 14-ka bishan iyo waliba kuwii huteel Naasa hablood halkaas oo lagu xasuuqey in ka badan 30 qof.



Diyaaradan ayaa laga lahaa Imaaraadka Carabta waxayna garonka Muqdisho ka qaadey ilaa sagaal qof oo dhaawacoodu darnaa. Dhaawacyadan ayaa la geeyay Kiiniya kharashkoodana waxa bixinaya Imaaraadka.

Wasiirka Warfaafinta dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in dhaawacyaddaasi daweyntooda ay balanqaaday dowladda Imaaraadka , islamarkaana la geyn doono dalka Kenya.



Isbitaallada Muqdisho qaarkood ayaa wali waxaa ku jira dad ku dhaawacmay qaraxyadii ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Xasuuqyadii ugu xumaa ee kooxda gaalaynta Muslimiintu ka gaysatey Muqdisho ayaa dhacay bishii la so dhafay halkaas oo dhimashadu ku djhow dahay 500 oo qof, waxana tiro lahayn dhaawacyada iyo dadka ku laxaad belay ayadoo tirade ayna ku jirin hantida dadku.



C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.