X

Maamulka Puntland oo war ka soo saartey qalalaasaha ka taagan dekedda Boosaaso

Maamulka Puntland ayaa war ka soo saartey qalalaasaha ka taagan dekedda Boosaaso oo maalmihii u dambeeyay ay jireen banaanbaxyo looga cabanayo arimo badan.



Murankan ayaa u dhexeeya shaqaalaha dekeda iyo shirkada lagu wareejay halkaasi ee laga leeyahay Imaaraadka ee Dubai World. Saciid Maxamed Raage oo ah wasiirka dekedaha maamulka ayaa sheegay in dekedda sharci lagu wareejay.

Shalay tii ka dhacday Boosaaso waa la ogaa, oo waxaa halkaasi ka dhacay Banaanbax rabshado wata, oo ka dhashay khasaare nafeed iyo mid hantiyadeedba.



Ugu yaraan labo ruux ayaa la xaqiijiiyay inay ku dhinteen dibad baxa, halka kuwo kalena ku dhaawacmeen,waxaa sidoo kale burbur la gaarsiiyay goobo ganacsi.



Dekeda Boosaaso ayaa muddo todobaad albaabada u laaban, kaddib markii ay la wareegtay Todobaadyo ka hor shirkadda DP World ee laga leeyahay Imaaraadka Carabta.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

 

 

admin:

This website uses cookies.