X

Diyaarad ku dhacday Ingiriiska oo la sheegay in ay leeyihiin qoyska Usaama bin Laadan

Diyaarad yar oo ah kuwa sida khaaska ah loo leeyahay oo ku dhacday Ingiriiska ayaa la sheegay in ay leeyihiin qoyska Usaama bin Laadan. Diyaaradan ayaa shalay galab ku duldhacdey goob gawaadhida lagu xaraasho oo ku taala Koofurta dalka Ingiriiska.

Waxa diyaaradan ku dhintey sadex qof oo ahaa rakaab iyo bayloodka diyaarada oo dhamaantood ahaa dadkii la socday diyaarada mana jirin cid wax ku noqotey goobtii ay ku dhacdey. Safaarada Sucuudiga oo warbixin ka soo saartey dhacdadan ayaa sheegtay in ay la shaqayn doonaan dawlada Ingiriiska baadhitaanka ay wadaan iyo sidii dadkaasi dhintey loogu celin lahaa Sucuudiga si loogu aaso iyadoona sheegin cida ku dhimatay.

Waxayse safaaradu sheegtay in ay yihiin qoyska reer Bin Laadan. Shaqaalaha gurmadka Ingiriiska ayaa ka shaqaynayay ilaa xalay sidii ay goobta uga soo saari lahaayeen raqda.

Waxa kale oo goobta gaadhey waaxda baadhitaanka oo iyaguna ka soo saari doona warbixin sababta keentay in diyaaradi ku dhacdo goobtan lagu xaraasho gawaadhida.

Diyaaradan ayaa ka soo duushey magaalada Milan ee dalkaasi Talyaaniga waxayna ku socotey gobolka Hampshire ee Koofurta Ingiriiska..Diyaaradan nooceeda waxa samaysey dalkaasi Brazil.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS.COM

 

admin:

This website uses cookies.