X

Diyaarad laga leeyahay Turkiga oo jar ka dhacdey gashayna dhiiqo: SAWIRO

Diyaarad laga leeyahay Turkiga ayaa jar ka dhacdey gashayna dhiiqo isla dalkaasi Turkiga. Diyaaradan oo ah kuwa qiimaha jaban ee laga leeyahay ayaa ka duushey caasimada Ankara.

Diyaaradan oo lagu magacaabo Pegasus ayaan la garanayn waxa sababay inay jarka ka dhacdo. Waxa fuushanaa 162 qof kuwaas oo si deg dega looga daadgureeyay.



Gudoomiyaha gobolka ee diyaaradani jarka kaga dhacdey ayaa sheegay in la baarayo waxa sababay. Diyaarada ayaa waxa hakiyay dhiiqo ee waxay si toosa ugu dhici lahayd badda madow.



Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.