X

Faysal Cali Waraabe oo ka hadlay dhimashada wiilkiisii ka mid ahaa argagixisada Daacish

Faysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay dhimashada wiilkiisii ka mid ahaa argagixisada Daacish. Xuseen Faysal Waraabe ayaa ku biirey argagixisada gaalaysa Muslimiinta.



Waxa la sheegay in lagu diley Suuriya halkaas oo been loogu sheegay in uu jihaad ka jiro. Faysal Waraabe ayaa dadku ku tilmaamaan nin gabay caruurtiisa halka uu waqtiga kaga dhacay isku dirka Somalida.



Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in Hooyada u dhashay wiilkan uu u sheegay in aan dib loogu cusbooneysiin Baasaboorka Finland,maaddaama ay suuragal tahay in uu dhibaato ka geysto gudaha dalkaas.

Faysal Waraabe ayaa sheegay inuu u shegay dawlada Finland oo uu ka dhiiban yahay in uu dhintey wiilkaas.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

 

admin:

This website uses cookies.