Diyaarad laga leeyahay Maraykanka ayaa Ku degtay meel u dhow xad beeneedka,Somalia la wadaagto Kiiniya.
Wararka qaar ayaa sheegaya in diyaaraddaan ay tahay nooca qaada Hub, islamarkaana ay waday hub, mana Cadda cidda hubkaasi loo waday maadaama Saraakiisha Ammaanka Kiiya aysan faahfaahin ka bixin.
Qaar ka mid ah Warbaahinta Caalamka ayaa sheegtay Diyaaraddaan ay leedahay Sharikadda Black Water, islamarkaana ay la socdeen Ciidamo Mareykan ah.
Sharikadda Black Water waa sharikad dhinaca Amaanka kala shaqeysa dowladaha iyo Ururrada sidda Tababarrada,Qalabeynta Ciidamada iyo howglallada qarsoodiga ah.
Diyaaraddan ayaa ku degtay meel duur ah waxaana sawir laga qaaday uu muujinaayay gaari nooca hubka qaada ah gees taagan iyo Askar.
Astaanta iyo Lambarka diyaaradda ayaa muujinaayay in laga leeyahay Mareykanka, islamarkaana ay adeegsato Shirkadda Black Water.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay