X

Diyaarad Nayjeeriya ka timi oo rakaabkeedii wacdaro ku qabsadeen Sacuudiga

Qisada diyaarad laga leeyahay dalkaasi Nayjeeriya oo Sacuudiga ku socotay oo casaan laga saaray dal-ku-galka dalkaasi dhamaan rakaabkii saarnaa.

Diyaaradan ayaa intii ay hawada ku jirtay waxa dhamaanba casaan la saaray dal-ku-galka ay siteen rakaabka la socda, markii ay ka degtay magaalada Jiddah ee Sacuudigana loo sheegay inay dhamaanba dadka saaran ay ku celiso Nayjeeriya maadaama ayna wadan dal-ku-gal.



Rakaabka ayaa diyaarada ka soo fuulay caasimadii hore ee dalkaasi Nayjeeriya ee Laygos kadiban rakaab ka soo qaadatay caasimada Muslimiintu degan yihiin ee Kano kadibna toos ugu soo duushay Sacuudiga.

Dhamaan rakaabka ayaa si muuqaala u maray nidaamka dal-ku-galka ee laga arkayo labada wadanba mana jirin wax isdaba marina, ayadoo Nayjeeriya tahay aabaha musuqa Afrika.



Waxa isku dhex yaacday safaaradii Nayjeeriya ee Sacuudiga waxayna dalbatey xog dheeraada in laga siiyo sida wax u dhaceen. Waxase nidaamka ku jira keliya in dhamaan casaan saaran tahay dal-ku-galka ay sitaan rakaabka saaran oo ahaa 264 qof. Baaritaan kadib waxa la fasaxay 13 ka mida rakaabka halka inta kale dib loogu celiyay Nayjeeriya.



Sacuudiga ayaa sheegi waayay sababta dadkaan casaanka looga saaray dal-ku-galka. Masuuliyiinta Nayjeeriya ayaa falkan ku tilmaamay caga-jugleyn dhinaca ganacsiga ah maadaama la ogaaday in isla diyaaradan oo u socotay Riyaad ay buuxday safarkeeda kale, tana loo sameeyay niyadjebin.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.