X

Itoobiya ma guul taariikha ayay gaartey mise cidlo ayay taagan tahay

Cabi Axmed waa Oromo Somalidu aad u taageertay qaasatan xilligii uu ku socday weerarka xun ee uga yimi Tigreega. Waxay Somalidu u arkaysay qof ay ka nabad geli karaan ugu yaraan sharkiisa kana soo jeeda Oromo haba ahaado gaale.



Waxase uu halmar dhabarka ka toogtey shacabka Somaliyeed waana laba arin oo guuldaro u keenaysa. 1-Wuxuu muddo kooban uu colaad gashaday dal xor ah oo jaar la ah haba la heshiiyo Xasan Culusow. Waxayna Somali u yeeratay danjirihii u fadhiyay halkaas.



2-Shaqsiga uu warqada la saxiixay waa dhiigyacab aan haba yaraatee bixin karin dhul Somaliyeed, inkasta oo uu sheegto inuu maamusho intiisa yar, kumana taagna caga badan.

Markaa haba yaraatee erayga waa guul taariikha oo aad ku faanto meesha ma yaalo ee keliya waxaad kasbatay colaad aanad ka faaiideyn, waanad is ogtahay inaad geri go’an tahay.



Waan ognahay in Ingiriis kugu jiro laakiin xitaa Ingiriis oo kula jira haba yaraatee dhici mayso in dhul Somaliyeed aad askartaada keensato iskana maamulato.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.