Waxa galabtii maanta ku soo dhacdey magaalada Muqdisho diyaarad nooca aan la wadin ah oo inta badan ka duwan kuwa ay isticmaalaan dawladaha lagu yaqaan diyaaradahan.
Diyaarad ayaa ku soo dhacday xaafadda 1-da Maajo ee Degmada Waaberi ee Bartamaha Magaalada Muqdisho, iyadoo lahaanshaha diyaaraduna warar kala duwan kasoo baxeen.
Taliyaha Saldhiga Booliska Degmada Waaberi, Xuseen Maxamed Cabdi iyo ciidan uu horkacaayay oo gaaray halkii ay ku soo dhacday diyaarada ayaa muddo raadinayay iyadoo la sheegay inuu xareysan nin ka ag dhowaa goobta ay ku soo dhacday oo markii danbe laga soo qaaday.
Diyaaradan oo qaab Shimbir weyn u sameysan waxaa sheegtay inay leeyihiin ciidamada Nabadsugidda Soomaaliyeed ee NISA, waxaana saldhiga Waaberi ka qaatay horjooge ka tirsan NISA oo sida uu sheegay taliyaha saldhigga caddeeyay inay iyagu adeegsadaan diyaarada.
Waa markii ugu horeysay ee NISA ay sheegato inay adeegsato diyaaradaha Drones-ka.



C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
![Drones1[1]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2016/07/Drones11-300x178.png)
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay