Diyaarad qaad sidey ayaa lagu rasaaseeyay degmada Xudur ee gobolka Bakool. Sida wararku nagu soo gaarayaan diyaarada ayaa ku degtay garoonka degmada kadibna uu yimi khilaaf.
Dadka Magaalada Xudur ayaa sheegay in diyaaradu isku daydey in ay kacdo iyadoo aan rarkii dhigin kadibna askar Itoobiyaana oo garoonka ku sugnaa ay rasaaseeyeen lugahana ka toogteen.
Diyaarada ayaa la sheegay in ay diidey amar ahaa in ayna kicin balse ay dhegeysan waydey. Diyaarada la toogtey ayaa ku dhacdey xaafad ka tirsan degmada.
Wararka ayaa sheegaya in duuliyaha diyaarada iyo rarkii uu sidey iyo goobtii ay degtayba aan cidina wax ku noqon. Waxa diyaarada hadda gacanta ku haya ciidanka ilaalada Itoobiya.
Lama sheegin cida leh diyaarada iyo halka ay ka soo duushey.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay