X

Diyaarad sida marxuun Cali Samatar oo Muqdisho ka soo degtay

Waxa maanta oo Khamiisa la filayay in Muqdisho la keeno maydka marxuun sareeyo guuto Maxamed Cali Samatar oo Maraykanka Ku geeriyoodey.

Hadaba diyaaradii sidey ayaa ka soo degtay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, waxana garoonka ku sugan madaxda ciidamada iyo dad aad u farabadan.

Marxuunka ayaa la filayaa in loo sameeyo aas qaran kii ugu balaadhnaa, waxana aad loo adkeeyay amniga magaalada Muqdisho.

Wadada ka soo baxda madaarka ilaa shirkole ofishaale ayaa amnigeeda la adkeeyay Iyo guud ahaan magaalada iyadoo laga baqayo in ay weeraro xasuuqa ay gaysteen cadowga koowaad ee Somaliya ee argagixisada shabaab.

Geesi Cali Samatar ayaa ahaa aabihii ciidanka Somaliyeed wuxuuna mudan yahay in loo sharfo sida ugu sareysa.

Waxa la qorsheeyay in lagu aaso wasaarada gaashaandhiga oo ahayd hoygiisii uu ka hogaamin jirey ciidankii qaranka Somaliyeed.

Inaa lilaah wa inaa ilayhi raajicuun.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.