X

Urur diimeedka akhwaan Muslimiinta ee uu taageero Erdogan oo Daacish ka qabsaday magaalada Jarablus

Ciidamada Turkiga oo taangiyo wata ayaa dagaal kaga qabsaday argagixisada Daacvish magaalada Jarablus ee ku taal xadka Turkiga. Ciidamadan Turkiga ah ee Erdogan ayaa waxa daba socday ciidan ka tirsan urur akhwaan Muslimiin ee Erdogan ka mid yahay, waxana qabsashada ka cadhoodey Kurdiyiinta oo raba in ay isku fidiyaan dhulal horleh.

Kurdiyiinta oo si fiican u garaacay argagixisada Daacish ayaa waxa ka soo horjeeda urur diimeedka akhwaan Muslimiinta ee uu taageero Erdogan.

Qabsashada Jarablus ay qabsadeen ururka diimeedka akhwaanka oo dagaal kula jira dawlada Siiriya ayaa waxa aan ka hadal dawlada Siiriya oo ururkaas kula dagaalantey magaalooyin muhiima iyo waliba magaalada Allepo.

Weerarka Turkihgu ku qaadat Jarablus ayaa Ruushku taageersan yahay maadaama laga saaray Daacish laakiin laguma faraxsanaan doono in gacanta lo geliyo urur diimeedyada la dagaalamaya dawlada.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.