X

Diyaaradaha lagu beegsanayo argagixisada oo guuxoodu ku soo batey Muqdisho iyo cabasho

Diyaaradaha lagu beegsanayo argagixisada oo guuxoodu ku soo batey Muqdisho iyo cabasho xoogleh oo ka imanaysa dadka shacabka ah. Daraad ayay ahayd markii Lughaya laga muujiyay cabashpo sidana.

Diyaradahan o ah nooca AC-130 ayaa joog hoose ku duula habeenkasta taas oo dadku khaati ka joogsadeen. Waxa dadka qaar xasuustaan xilliyadii dagaalkii sokeeye oo Maraykanku isticmaali jirey.

aan la wadin ayaa inta badan baacsada argagixisada oo ku dhex dhuunta dadka shacabka ah. Diyaaradahan aan la wadin ayaa waxa isticmaala ciidamada Maraykanka inkastoo qaar uu siiyay Amisom.



Inkastoo sanadihii u dambeeyay la waayay diyaaradahan iyo guuxooda, ayaa waxay dadka is weydiinayaan sababta ay xilligan u soo bilowdeen in habeen walba iyagoo joog aad u hooseeya ku duulaya ay dul maraan hawada Muqdisho.

Inta u dhaxeysa 8-da fiidnimo illaa saqdii dhexe ee habeenkii ayay diyaaradahan dul heehaabaan, lama arko wax leydh ama iftiin ka baxaya, marka ay dul wareegeyso hawada.



Saqafyada sare ee guryaha ayaa aad looga dareemaa guuxa diyaarada, taasoo dad badan ay la yaabeen in saqafyada qaar ee guryaha uu mar qura wada gariiro, marka diyaarada guuxeyso.

Qaar ka mid ah dadka ku nool Magaalada Muqdisho ayaaka hadlaya dhibaatada ay ku qabaa Guuxa Diyaaradan jahwareerisay dadka reer Muqdisho.

Inkastoo Dowladda Somaliya wali aysan awood buuxda u yeelan Koontaroolka Hawada Somaliya iyo Diyaaradaha Sharci la’aanta isaga mara, ayaa haddana waxaa muhiim ah in Dowladda ay dabagal ku sameyso Diyaaradaha Guuxooda wareeriyay dadkareer Muqdisho ee Magalada dul heehaaba.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.