X

Xaaf oo u muuqda inuu marayo wadadii Cosoble

Marka la fiiriyo xiisada siyaasadeed ee ka taagan magaalada Cadaado oo xarun KMG u ah maamulka Galmudug ayaa waxa ay la mid tahay midii 14-kii bishii August ee sanadkan xildhibaano ka tirsan Hirshabeelle ay xilkii kaga qaadeen Cali C/laahi Cosoble Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle, taasi oo keentay in meesha uu ka baxo ayna soo doortaan Madaxweyne cusub, Maxamed Cabdi Waare.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Galmudug oo tiradooda lagu sheegay 55, kuna kulmay Hotel ku yaalla magaalada Cadaado oo doortay shir guddoon KMG ah ayaa waxa ay sheegeen in ay xilkii ka qaadeen Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf).



Arrinta ayaa isku bedeshay mid la isku jawaabayo, kadib markii xildhibaano kale oo ka tirsan Galmudug oo xalay kulan ku yeeshay magaalada Cadaado ay sheegeen in xilka qaadistaasi aysan ansax aheyn, oo la soo dhoo dhoobay, sidoo kale (Xaaf) uu ka soo horjeestay xilka qaadista.

Dowladda Federaalka oo masuul ka ah guud ahaan dalka, go’aanka ugu dambeeyana iyada laga sugayo oo arrintan war ka soo saartay ayaa waxa ay ku baaqday in la ixtiraamo go’aankii uu Baarlamaanka GalMudug, oo xilka ay kaga qaadeen (Xaaf), loona hoggaansamo sareynta sharciga.

Marka dib aan milicsano xilka qaadistii Cali C/laahi Cosoble qaabka ay u wajahday Dowladda Federaalka, waxay aheyd in marka hore ay arrinta guddi Wasiiro ka socda ay u saartay, kuwaasi oo baaris iyo indha indheyn kadib dib ugu soo laabtay Muqdisho, Dowldduna ugu dambeyn mudo kadib sheegtay in ay taageersan tahay xilka qaadista, mudo 30 cisho gudahoodna la qabto Doorasho Madaxweyne.



Hadaba maxay kula tahay wadada loo maray xil ka qaadista Madaxweyne (Xaaf) masax baa mis waa qalad ?

Dowladda Federaalka iyo Madaxweyne (Xaaf) ayaa maalmihii dambe waxaa soo kala dhex galay khilaaf, taasi oo ay ka dambeysay kadib markii Madaxweynaha Galmudug oo warbaahinta la hadlay uu eedeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Xaaf oo ka hadlayay khilaafka Khaliijka ee in uu taageeray xulufada Sacuudiga ayaa ujeedada wuxuu ku sheegay in qaraab ay u dooneen shacabka reer Galmdug, taasi oo shacab badan ay u fasirteen siyaabo kale duwan.

21-kii September War saxaafadeed ka soo baxay Galmudug gaar ahaan xafiiska Madaxweynaha ayaa waxaa lagu eedeeyay Madaxtooyada Soomaaliya inay fara gelin ku heyso maamulkooda, waxaana gaar ahaan Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ku eedeeyeen in fara gelin xambaarsan dhiilo qabiil ay ku hayaan.

24-kii September Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) oo dib ugu laabtay magaalada magaalada Cadaado, kadib safar shaqo oo uu kaga yimid magaalada Abu Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa wuxuu sheegay Diyaarad uu ka soo raaci lahaa magaalada Hargeysa in ay xayirtay Dowladda dhexe mudo Shan saac ah.

Dadka odorasa siyaasada ayaa sheegay hanaanka Dowladda dhexe ay u martay ka hadalka xiisada Galmudug in uu ahaa mid fudeed ku dheehan, aanan loo baahneyn in ay sidaan u wajahdo, balse ay u fahmayaan in Dowladda ay dooneyso in mar un meesha uu ka baxo Madaxweyne (Xaaf).

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.