X

Diyaaradaha Sucuudiga ee gardarada ku weeraraya Yaman oo gabar Somaliyeed ku diley Sanca

Sanca–Xalay ayay ahayd markii diyaaradaha Sucuudigu ay weerar ku qaadeen xero qoxooti ah oo ku taal xadka Yaman iyo Sucuudiga halkaas oo ay degan yihiin qoxooti ka kala wadamada Itoobiya iyo Somaliya kuna dileen inta la sheegay 20 qof, manta duqeyn ka dhacday xaafada ay Somalidu degto ayaa sucuudigu ku diley gbar Somali ah.

Xasan Sheekh oo taageero u muujiyay xasuuqa Sucuudiga ayaan isagu xil iska saarin soo daadgureynta dadka qoxootiga ee ku nool Yaman, iyadoo uu haysto fursad uu ku soo daadgureeyo maadaama uu arabta lacagta saliida leh taageeray.

Aweys Sheekh Maxamuud oo ka mid ah jaaliyadda Somaliyeed ee Magaalada Sanca, ayaa ku waramaya inuu soo arkay meydka gabadhaasi Somaliyeed, isla-markaana uu dareen baqdin leh ku keenay Somalida Yemen.

Aweys wuxuu Dowladda Somaliya ka codsaday inay muujiso ficil dhab ah oo ay ugu gurmaneyso bulshada Somaliyeed ee dalka Yemen ku go’doonsan.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.