X

Doorashadii Nayjeeriya oo muslimiinta dib ugu soo celisay xukunka dalka oo ay muddo ka maqnaayeen

Abuja–Doorashadii dalka musuqa badan ee Nayjeeriya ayaa lagu kala baxay iyadoo tirada ugu cod badan ee doorashada uu ku guuleystay madaxweynihii hore ee dalkaasi. Muslimiinta dalkaasi ayaa si weyjh ugu soo baxay doorashadan iyadoo madaxweynaha hadda haya xukunka uu ka dhaxley madaxweyne muslim ah oo kursiga ku dhintey.

Madaxweynaha hadda ayaa diidey inuu ka dego xukunka markii uu dhamaystey teeramkiisii waxayse Muslimiintu ogolaadeen inuu sii hayo.

Madaxweynaha hadda guuleystay Maxamed Buhari ayaa sanadihii hore looga helay si dirqiya iyadoo dawladaha reer galbeedka qaarkood walwal muujiyeen markey arkeen xawliga uu ku socdo madaxweynuhu oo diidey inuu la kulmo argagixisada.

Madaxweyne Jonathan ayaa qirtey guuldaro una hambalyeeyay madaxweynaha cusub Maxamed Buxaari oo lagu yaqaaney kala dambeyn xilligii uu xukunka hayay.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.