X

Diyaaradaha Yuhuuda oo khatar geliyay diyaarado rakaab oo degaayay: Ruushka

Diyaaradaha Yuhuuda ee Suuriya xalay ka soo weeraray dhinaca Lubnaan waxay khatar geliyeen diyaarado rakaab oo ka degaayay madaarada Dimishiq iyo Bayruud sida ay sheegeen wasaarada gaashaandhiga ee Ruushka.


Suuriya ayaan sii deyn gantaalada khatarta ee lagu weeraro diyaaradaha iyo weliba caburinta signalka hawada ayagoo ka baqay in diyaaradahaasi soo degi waayaan. ā€¯Talaabadaas Yuhuudu qaaday waxay keentay in diyaarada rakaabka ay ku degto saldhiga Ruushku ku leeyahay Suuriya.


Waxay ahayd bishii Sibtambar ee sanadkan markii sidan oo kale diyaaradaha Yuhuudu ku dhuunteen diyaarad Ruusha oo nooca xamuulka ah oo ka degaysay Suuriya halkaasna ay ku dhaceen gantaalihii difaaca ee Suuriya.


Ruushka ayaa kadib sheegay in Yuhuudu axsaan lahayn Suuriyana ka iibiyay gantaalaha S-300. Si kastaba ha ahaatee Yuhuda ayaa ka gaabsatey khatartan u dambeysa ee ay samaysay.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.