23/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Diyaaradii Ruushka ee ku dhacday Siineey oo laga baqayo in uu ku qarxay bambaano la soo raaciyay

Wararkii ugu dambeeyay iyo diyaaradii Ruushka ee ku dhacday Masar gobolkeeda saxaraha ah ee Siinaay ayaa sirdoonka Maraykanku ku doodayaan in ay u dhowdahay in diyaarada la dhex dhigey bambaano kadibna sidaa ku qaraxdey. Diyaarada ayaa khuburada Ruushku sheegeen in ay laba u kala jabtey inta ay hawada ku jirtey. Argagixisada Siineey ee aan cidna u tudhin ayaa sheegatay inkastoo dawladaha Masar oo musuq xun ka jiro iyo Ruushkuba beeniyeen.

Sirdoonka Maraykanka iyo kuwa Ingiriiska ayaa war ka soo saaray shikiga ah in diyaarada la soo saaray bambaano kadibna la qarxiyay waxyar kadib markii ay gashay gobolka Siineey.

Maraykanka iyo Ingiriiska  ayaa sirdoonkoodu ku andacoonayaan in ay liidato baaritaanka alaabada laga soo saaro garoonka diyaaradaha ee gobolka dalxiiska ah ee Shamal sheekh.

Ingiriiska ayaa hakiyay diyaaradaha u duulaya gobolkaas dalxiiska oo hadda ay ku sugan yihiin ilaa 2000 oo Ingiriisa waxayna ku wargeliyeen in la siin doono macluumaad dheeraada.

Argagixisdada caalamiga ah ee Daacish iyo kuwa magacda badanleh ayaa bani aadamka cidna reebin waxana ku jirey dadkii diyaaradaas birimageydadu saarneyn ilaa 28 dhalaan iyo saqiiriin ah. Waxase hadda la sugaa waa baaritaankii ugu dambeeyay iyo natiijada saxda ah ee keentay in diyaaradu dhacdo.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS.COM