20/01/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Diyaarado buufinta AYAXA ka bilaabey maamulka Butlaan: SAWIRO

Diyaaradahan nooca helikobtarka ah ayaa dawlada Somaliya ka soo kireysatay dawlado ajaaniba laakiin lagu sheegay in caawimaad ahaan loo siiyay muddada AYAXA la buufinayo.



AYAXA oo faro ba’an ku hayay gobolo badan oo dalka ah ayaa wax u dhimey dalaga dadku sugayeen iyo weliba geedihii quruxda badnaa e dib u biqley.

Buufinta AYAXAN ee hadda ka socda Butlaan ayaa socon doonta muddo 10 ciso kadibna waxay u gudbi doonaan gobolada kale ee dalka sida Galmudug, Koofur Galbeed, iyo Somalilaan.



Horjoogaha maamulka Somalilaan ayaa isagu diidey diyaaradaha AYAXA buufinaya oo inta badan tagi lahaa gobolka Awdal iyo Togdheer.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS