November 18, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Doon ku degtay xeebta Liibiya iyo dadkii saarnaa oo laga waramay

Doon sidey boqolaal qof ayaa ku degtay dalkaasi Liibiya waxana ka waramay sida wax u dhaceen hay’ad ka tirsan qaramada midoobey oo sawiro ka soo qaadey.

Doontan ayaa sidey 180 qof waxayna baxdey habeenkii axadii waxana la sheegay in la helay maydka 87 qof oo la sheegay in ay yihiin Afrikaan madow oo laga yaabo in Somali ku jirto.



Maydka dadkan ku dhintey doonta ayaa la wadhey xeebta oo ah halkii laga helay iyadoo la sheegayo in qaar la badbaadiyay. Kooxaha tahriibiya dadka ayaa hadda isticmaala doon caag ka samayn oo la buuxiyay oo aan haba yaraatee loogu talogelin in ay gasho badda weyn, markaasaa haddana la buuxdhaafiyaa.



Maydkan ayay sheegeen maamulka Liibya in lagu aasi doono qabuuraha dadka aan la aqoon oo Liibiya aad ugu badan.

Dalka burburey ee Liibya ayaa hadda ah wadamada ugu xun ee ayna jirin wax kala dambeyna kadib markii ay reer galbeedka ka caawiyeen ridida dawladii Qadafi iyo janadii ay ku noolaayeen oo halkaa ku burburtey.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS