November 19, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Doon u rarneyd ganacsato reer Puntland oo ay ku jiraan xoolo ari iyo lo ah oo gubatay

Boosaaso–Doon ay saarnaayeen xoolo isugu jira ari iyo lo ayaa ku gubatay badda iyadoo la sheegayo in dabku ka kacay gudaha doonta. Xoolaha ayaa la sheegayaa in badankoodu gubteen qaarna ay badda ku daateen iyadoo la sheegayo in uu jiro gurmad ay ka qayb qaateen doonyo yar yar.

Doonta ayaa xoolahan u waday wadamada carabta siiba Imaaraadka halkaas oo Somalidu u iib gayso xoolaha si loo isticmaalo soonka oo ay inaga xigaan maalmo.

Tayada doomaha la saaro xoolaha ayaa aad u liidata taas oo keenta in ay dhacdo mashaqooyin noocan oo kale ah. Shaqaalihi doonta ayaa la sheegayaa in la soo badbaadiyay.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS.COM