15/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Doorashada aqalka sare ee afhayeenka oo la shaaciyay

Waxa mardhow lagu dhawaaqay doorashada Guddoonka Aqalka Sare iyo waliba xilliga ay dhacayso. Waxa dhinaca kale la magacaabay guddi diyarisa doorashada. Xasan Sheekh ayaa ku faraxsan mudada loo kordhiyay.



Gudoonka ayaa si rasmi ah u sheegay in doorashadu dhacayso 22ka bishan Janaayo taas oo dhiga.

17-19ka bishan Janaayo ayaa waxaa socon doona diiwaangelinta Musharaxiinta Aqalka Sare. Iyadoo Maalinta Sabtida ah oo Taariikhdu ay ku beegan tahay 22-ka Bishan waxaa khudbado laga dhageysan doonaa Musharaxiinta u sharaxan Guddoonka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.



22-ka Bishan oo ku beegan maalin Axad ah ayaa waxaa dhici doonta Doorashada Guddoonka Aqalka Sare, sida ay sheegeen Guddiga Qaban qaabada Doorashada Guddonka Aqalka Sare.

Guddiga Doorashada Guddoonka Aqalka Sare ee maanta la doortay ayaa waxa uu ka kooban yahay lix Senatar oo ka kala socda Maamul goboleedyada.

Guddigan ayaa waxa ay ka shaqeyn doonaan dardar gelinta, dadejinta iyo qabanqaabada Doorashada Guddoonka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Guddiga Qaban qaabada Doorashada Guddoonka Aqalka Sare ayaa waxaa loo doortay Senator Maxamed cusmaan Faarax (Dhagajuun) oo laga soo doortay Hirshabeelle, halka Xoghayaha loo magacaabay Senator Farxaan Cali Xuseen oo ka socda Puntland.

Lixda xubin ee Aqalka Sare ee loo xil saaray Doorashada Guddoonka Aqalka Sare ayaa waxa ay kala yihiin:-

  1. Senator Maxamed cusmaan Faarax (Dhagajuun) oo laga soo doortay Maamulka Hirshabeelle.
  2. Senator Jawaahir Axmed Cilmi oo ka socota Maamulka Galmudug.
  3. Senator Farxaan Cali Xuseen oo ka socda Maamulka Puntland.

     4.C/llaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo laga soo doortay Maamulka Jubbaland.

  1. Senator C/risaaq Axmed Cali oo ka socda Maamulka Somaliland.

Senator Xuseen Sheekh Maxamuud oo laga soo doortay Maamulka Koonfur Galbeed.


C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS