Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu qabtay doorashada xildhibaanada aqalka hoose ee matalaya goboladda waqooyi ee dalka, waxaana ku soo baxay qaar ka mid ah xildhibaanadii baarlamaanka ka tirsanaa.
Wasiirkii hore ee arimaha dibadda Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan, ayaa ku guuleysatay doorashada kursiga koowaad ee beesha Garxajis -Isaaq ee golaha shacabka, waxaana ay ka guuleysatay seddex musharax oo la tartameysay.
Fowsiyo Yuusuf, ayaa heshay 45 cod, waxaana natiijada guusheeda ku dhawaaqay guddiga doorashada xildhibaanada aqalka hoose ee gobolada waqooyi.
Dhinaca kale Muuse Ismaaciil, ayaa ku guuleystay doorashada kursiga seddexaad, wuxuuna helay 48 cod.
Muuse Ismaaciil Jaamac, ayaa ka guuleystay Musharax xildhibaan Faadumo Cismaan Nuur.
Doorashada xildhibaanada aqalka hoose ee matalaya gobolada waqooyi ayaa maraysa heer gabogabo ah, waxaana xigi doonta doorashada xildhibaanada aqalka sare u matalaya gobolada waqooyi.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS


More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay