Doorashada madaxweyne ee HirShabeelle ayaa musharax loo la’yahay. Abuukar Xasan Cali Gudoomiye ku xigen Guddiga Doorashadda Hirshabeelle ayaa sheegay in uusan ilaa hadda Murashax Madaxweyne oo iska diiwaan giliyay Xarunta Gudiga ee ku taalla magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hirshabeelle.
Waqtiga loo balansan yahay doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa ku beegan 14 Bishaan oo ay ka dhimantay 10 maalmood oo kaliya ayaa gudiga doorashada waxay sheegayaan in uusan jirin ilaa hada murashax iska diiwaan giliyay.
Abuukar Xasan Cali Gudoomiye ku xigen Guddiga Doorashadda Hirshabeelle ayaa sidoo kale sheegay in ay jiraan Murashaxiin Boorar ku dhagsaday Magaalada Jowhar balse ilaa hada aan iska diiwaan gilinta Xarunta gudiga.
Ugu danbeyntii gudiga doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa ugu baaqay dhamaan Murashaxiinta in ay si deg deg ah isku diiwaan giliyaan mudada yar ee ka harsan waqtiga doorashada si loogu helo waqti lagu aqriyo waraaqahooda in ay raacsan yihiin Sharuudaha doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay