X

Doorashada soo socota oo u dhaxaysa kooxda sheegata beesha caalamka iyo

Sidaan la socono waxa maalmihii u dambeeyay sidey rabeen nidaamka jira awgeed iyo dulqaadka dawlada dhgexe, kooxda sheegata beesha caalamka bilaabeen, inay la wareegaan nidaamka doorasho ee dalka, kadib markii dhinaca kale ay soo weerareen degmada Beled-xaawo ee gobolka Gedo.


Kooxdan sheegata beesha caalamka oo uu madax u yahay ninka la yiraa Jaymis Iswaan ee qaramada midoobey u fadhiya Muqdisho, wuxuu baryahan waday shirar uu si toosa u faragelinayo arimaha siyaasada ee dalka.

”Ninkaan is mahadiyay wuxuu is mooday inuu dalka ka taliyo laakiin waxa fursada siiyay Farmaajo oo isleh yan laguu arkin inaad kursiga jeceshahay ama dheeraysanayso ayuu yiri Cali Calasow.


Waxay durba taageereen guddiyada ay magacaabeen Axmed Madoobe oo mudan in maxkamad la soo taago lana su’aalo kaalinta uu ku leeyahay weerarkii Beled-xaawo iyo Siciid Deni oo isku haysta inuu dalka ka madax banaan yahay laakiin isagana fursad loo siiyay inuu diidi karo amarka dawlada.

Si kastaba ha ahaatee waxa kuu cad in dalku meel fog ku socdo hadddii gacanta loo geliyo kooxda madasha musharixiinta oo ah kuwi ka masuulka ahaa dhibta iyo dawlad xumada jirta. Waxay farxad u tahay guusha kooxdaas kooxda sheegata beesha caalamka oo Kiiniya qayb ka tahay.


Sida keliya ee looga hortagi karo ay tahay in xildhibaanada soo baxayaa ay hadda u jeedaan oo arkayaan halista dalku galayo ayna codkooda dib ugu soo saaraan madaxweytnaha hadda jira.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.