November 20, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Doorashadii gobolka Tigreega ee bugta ahayd oo xisbiga talada haya ku shubtey

Doorashada ay iska samaysteen xisbiga TPLF ee Tigreega soona xukumayay Itoobiya muddo sanno ah ayaa waxa ku shubtey xisbiga talada haya, mana jirin cid la garanayo oo la tartantey.



Tigreega ayaa ku doodaya in ay ahayd in dalka laga qabto doorasho halka dawlada dhexe sheegtay in doorashadu dhacayn maadaama cudurka Korona jiro.

Doorashada ka dhacday Tigree ayaa ah buig laakiin tilmaamaysa halka Itoobiya ku socota inta Cabi Axmed xukunka hayo. Sadexda qoomiyadeed ee Itoobiya ayaa ilaa hadda isku meel ka soo wada jeeda.



Waxayna samaysteen ururka cusub ee barwaaqada. Waxase Cabi Axmed aad looga soo horjeedaa fikirkiisa ah in uu dalka xukunkiisu ku soo koobmo dawlasda dhexe oo laga guuro goboleysiga.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS