X

Doorashadii lagu shubtey oo gudigii fashilmey beri ku dhawaaqayaan yayse dan ugu jirtaa

Doorashadii lagu shubtey Somaliland ayaa gudigii fashilmey beri ku dhawaaqayaan waxaadse is waydiin kartaa cida ay dani ugu jirto. Dadka badankiisa ayaa isku raacay in gudigaas doorashada la kala diro.



Musharaxa Wadani C/raxmaan Ciro ayaa isagu qaadacay taas oo ka dhigan in doorashadan lagu shubtey aan cidina aqbali doonaan markii ay diideen gudigu in dhamaan dib loo tiriyo codadka xalaasha ah.



Doorashadan ayaa ku socota sidii Kiiniya halkaas oo dib loogu celiyay ayadoo la eegayo danta dalka. Somaliland ahaan waxa taageero ay ka helayaan wadanka INgiriiska oo laga yaabo inuu amro in doorashada lagu celiyo.



Waa doorashada ugu musuqa badweyn ee uu qabto Siilaanyo laguna dhawaaqayo ayadoo gudigu qirtey in musuq baahsan uu jiro.

Cidna dan uguma jirto ku dhawaaqida codadkan lagu shubtey waa haddi laga hadlayo in la helo aqoonsi dadku siiyaan maamulka.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

 

admin:

This website uses cookies.