November 18, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Doorashadii Somaliya oo la sheegayo in dib u dhacday iyo murano xal u baahan

Sida ay u waramayaan xogo ka soo baxaya Muqdisho ayaa sheegaya in doorashadii Somaliya ee la filayay bisha soo socota ee xubnaha barlamaanka iyo tan madaxweynaha ay dib u dhacdey.

Sida la og yahay bisha soo socoto Ee Augusto waxaa ku eg xilliga shaqo ee Dawlada Madaxweyne Xasan Sheekh Hogaaminayey hase ahaatee xaaladu waxey umuuqataa in Xisbiga Damu jadiid ay kursiga kusii fadhin doonaan bilo kale oo jeebkooda ah.

Bishaan July 25-keeda waa loo ballansanaa inuu qabsoomo shirka Madasha Qaran hadana dib loogu dhigay 2-da Augusto bisha soo socota.

Waxa taasi ay sahli doontaa in dawlada Xasan Sheekh ay waqti kororsi ku sameyso ka hor doorashada ololahoodana uu hadda bilow yahay.

Beesha Caalamka Ayaan la ogeyn sida ay ka yeeli doonto ka run ahaanshiyaha Xogta ay Warqaad heshay iyo dib udhacaasi waxa kasoo baxa.

Dhowr Qodob ayaa la sheegayaa inay aas aas uyihiin doorashada inay dib udhacdo waxaana ka mid ah:

  • Xubnaha ku Jira Madasha Wadatashiga qaran oo iyagu isku khilaafsan buqcada ama goobta lagu qabanayo doorashada Madaxweynaha
  • Muranka waxa uu sidoo kale ka jiraa qancinta xubnaha Galmudug iyo Ahlusuna kasoo aadaya dhismaha dawlada Cusub maadama ay isku heystaan Maamulida Gobolka Gal gaduud.
  • Xildhibaanada Aqalka Sare Ee Koonfur Galbeed ayaa Iyana la isku mari la’yahay kulamo kalena in looga hadlo loo balamay
  • Soomaaliland Xildhibaanada Aqalka Sare uga imaanaya oo beelaha qaar loo diidan yahay in lasiiyo xubnaha ay xaqa uleeyihiin
  • Reer Hiiraan oo saluugsan sad bursi ay sheegeen xildhibaanada Aqalka Sare ay lahaayeen iyo fara gelin lagu sameeyey.
  • Iyo Maqaamka Muqdisho ku yeelaneyso Dawlada Cusub oo Iyana budo gooni utuman ah.

Gudoomiyaha Gudiga Doorashada Heer Faderaal ee dhawaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Magacaabay Cumar Maxamed Cabdulle oo lahadlay Idaacad ku taalla Muqdisho waxa uu hoosta ka xariiqay in doorasho aysan macquul aheyn bil kadib inay ka dhacdo Soomaaliya.

Abuukaate Cumar Cabdulle ayaa muujiyey sida uu udoonayo jadwalka Cusub ee dejiyeen in la iskula jaan qaado islamarkaana la baro dhamaan dadka ay ku quseyso taasina ay ubaahan tahay waqti iyo howl adag.

C/llaahi WArmooge

ARAABINEWS