X

Doorashadii Somaliya oo saamayn ku yeelatay adduunka badankiisa

Doorashadii madaxweynaha Somaliya marka laga yimaado ummada Somaliyeed oo meelwalba u soo jeeday, waxay iyana soo jeed badan ku reebtay wadamada Afrika iyo Carabta. ”Waxay muhiim gaar u lahayd reer galbeedka oo farta wadnaha ku hayay kana baqaayay in madaxweyne Farmaajo soo noqdo ayuu yiri Xuseen Warsame.


”Waan ogeyn Kiiniya iyo reer galbeedku inay rabeen inayna dib u arag madaxweyne Farmaajo oo soo noqda halka wadamada Itoobiya, Eritariya, Afrika inteeda badan iyo dalal badan oo Caraba ay danaynayeen in madaxweyne Farmaajo soo noqdo raaciyay Xuseen Warsame.


”Nin Eritariya u dhashay ayaa igu yiri Farmaajo maxaa dib loogu dooran waayay waayo waa nin shacabku jecelyahay, Somali kasta oo aan arko wuxuu ii sheegayaa inay rabaan Farmaajo ayuu yiri Xirsi Warfaa.



Tani waxay ku tusaysaa kuwaas aadka u jecel in Xasan Sheekh la doortey inay rabaan Somaliya oo sii burbursan oo aan awood lahayn. Waxa laga dareemayay jawaabta ay ka bixiyeen doorashada.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.