X

Kiiniya oo hore ka sheegtay waxay ka rabto horgale Xasan Sheekh

Kadib doorashadii loogu shubay horgale Xasan Sheekh oo aan haba yaraatee ka socon codka shacabka ayaa waxa markiiba hambalyo kulul u soo direy madaxweynaha Kiiniya. ”Lagama seexan Kiiniya maalintaa waxayna u ahayd maalin weyn ayuu yiri Maxamed Siyaad oo Nayroobi degan.


Haddaba Kiiniya oo sanado degan qaybo ka mida gobolka Jubbada hoose kuna haysa horjooge Axmed Madoobe ayaa danteedu ku jirey inuu soo baxo horgale Xasan Sheekh waxayna ka mid ahayd wadamada ku bixiyay maalka.

”Xasan waxaan ka rabnaa inuu jaar fiican noqdo oo ka noqda dhaqamadii dawladii hore sida inuu la shaqeeyo kooxda beesha caalamka ayuu yiri danjire u hadlay wasaarada arimaha dibedda. Xilligan badda kala hadli mayno laakiin laga yaabe sanadaha soo socda.


Waxaan kalo ka rabnaa inuu lacag u raadiyo askarta Afrikaanka ee Kiiniya ku jirta oo waqtigoodu dhamaanayo ayuu raaciyay danjirahan mgaciisa qariyay. Haddii lacagtaas uu soo helo oo nagala shaqeeyo waan sii taageeraynaa.


Horgale Xasan sheekh ayaa Kiiniyaatigu ku amaaneen sida uu dalka u sii goynayo ee uu u xoojinaya sheekada federaalka. ”Waxa keliya ee uu iibiyaa waa kala qoqobka dalka ayuu yiri danjiruhu,



Dhinaca dhaqaalaha u malaynayo inuu hadda taabamn doono qaadka waxaanse filaynaa inuu noo fasaxo. Marka guud ahaan rajo fiican ayaan ka qabnaa. Waxayse qirteen in dadku hadda soo jeedaan oo arimuhu sidii hore ahayn.

C/llahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.