Waxa maanta dib loo bilaabay doorashadii xildhibaanada barlamaanka ee gobolada Woqooyi waxana Jira xifaaltan xoogan iyo kala jiidasho. Waxa ilaa hadda so baxay wasiirkii hore ee Warfaafinta.
Halka dhinaca kale uu isna dib u soo noqdey xildhibaan Dr Cilmi Maxamuud Nuur oo ka guulaystey Fanaan Farxaan Xidig. Waxase ka hadlay goobta Farxaan Xidig oo tilmaamay in cagajugleyni jirto.
Farxaan Xidig ayaa helay kaliya 6 cod halka Dr Cilmi Maxamuud Nuur oo hadda ah ruug cadaa muddo joogey Muqdisho uu helay 45 cod.
Hoos ka dhegeyso Farxaan Xidig
Waxa wali socda doorashada oo la filayo in inta kalana la dhameeyo maanta ilaa beri. Guuldarada Farxaan Xidig ayaa muujinaysa in beesha Jibriil Yoonis (Samaroon) ku heshiinin kursiga.
Kursiga kale ee lagu dagaalamay wuxuu u dhexeeyay rug cadaa C/xakiin Cige Guuleed iyo Faysal Cumar Guuleed oo labaduba ah beesha Makaahiil ee Samaroon, waxana la direy rug cadaa C/xakiin Cige Guuleed.
Aamina Cumar Jaamac ayaa iyana ku guuleystay kursiga Beesha Muuse Abokor ee Habar Jeclo, iyadoo heshay 51 cod, halka Faa’iza Axmed Cali oo la tartameysay aysan wax cod ah helin.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
![Xildhibaanada-Waqooyi.jpg5_[1]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2016/12/Xildhibaanada-Waqooyi.jpg5_1-300x169.jpg)
![Xildhibaanada-Waqooyi.jpg8_[1]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2016/12/Xildhibaanada-Waqooyi.jpg8_1-300x169.jpg)
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay