Dooxa weyn ee magaalada Hargeysa ayaa tan iyo galabta Casriga Rogmanaya waxaana qul-qulayaa daad badan, kaas oo hakiyey isku socodka caasimada Hargeysa,isla markaana ku qasbay gaadiidka iyo dad-kaba in iskugu tagaan labada biriish ee magaalada Hargeysa.
Daadka Maraya dooxa weyn ee magaalada Hargeysa ayaa ka dhashay roobab mahiigaan ah oo Xalay ilaa saaka ka da’aayey Galbeedka magaalada Hargeysa, gaar ahaana deegaanada Faro weyne, dhaboolaq,cusboolay abu-riin iyo deegaano kale.
Dhanka kalena Xukuumadda KULMIYE ayaan ilaa hadda qorshe ah u hayn biyahan rogamanay ee dooxyada kuwaas oo bada gelay ,isla markaana berina laga oomanyahay.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS