04/03/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Dr Bayle oo ku soo dalxiisay deegaanka quruxda leh ee Gobweyn ee Kismaayo u dhow: SAWIRO

Dr Bayle ayaa kormeer dalxiis ku tagey deegaanka quruxda leh ee Gobweyn ee Kismaayo u dhow. Wasiirka maaliyada Somaliya Dr Bayle ayaa hawlo shaqo u jooga Kismaayo halkaas oo uu shiriyay wasiirada maaliyada maamul goboleedyada.



Deegaanka Goob weyn oo ah  halka Wabiga Jubba uu kaga darsamo Badweynta Somalida ayaa ah deegaan dalxiis ku fiican laakiin laga sugayo wasiirka inuu diyaariyo kharashkii lagu qurxin lahaa.

Somaliya ayaa ah dal qani ah oo isku filan laakiin loo diidan yahay inay lugaheeda isku taagto, waxana markasta jirta maamul xumo, iyo jaraafeyn cilmiyeysan.



Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa iyagu gartey inayna Kismaayo ka soo noqon ilaa ay soo arkaan deegaanada quruxda badan sida Gobweyn oo kale.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS