X

Dr C/raxmaan Bayle oo ka hadley halka ay marayaan mideynta cashuuraha dalka

Dr C/raxmaan Bayle ayaa ka hadley halka ay marayaan mideynta cashuuraha dalka. Wasiirka maaliyada oo saxaafada kula Muqdisho ayaa sheegay in marka laga reebo maamulka Somaliland oo hawlbadan u baahan ay meel fiican marayso.



Wasiir Beyle ayaa sheegay in si siman loo billaabayo canshuurta dalka oo dhan si aanay u imaan khilaafaadkii hore oo kale ee ay Ganacsatada ku doodeen in kaliya Muqdisho laga qaadayo canshuurta iibka.



Waxay ahayd bishii hore markii wasiirka maaliyada uu shir la qaatey wasiirada maamul goboleedyada ku hoos jira dawlada dhexe si loo dardar geliyo hawsha mideynta cashuuraha.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.