X

Raiisal Wasaare xigeenka oo Burundi u ambabaxay iyo ciyaar muhiima oo dhacaysa

Raiisal Wasaare xigeenka Somaliya Maxamuud Guuleed Khadar ayaa u ambabaxay Burundi iyo ciyaar muhiima oo dhacaysa. Xulka Somaliya ayaa galabta la ciyaaraya xulka Tansaniya.

Somaliya ayaa ciyaarta kama dambeysta ee dhalinta da’doodu tahay 17 jirka galabta la ciyaaraysa xulka Tansaniya.

Dhalinyarada Soomaalida waxay wareegii kan ka horeeyay soo garaaceen Yugandha sidaasna ugu soo baxeen ciyaarta maanta ee kama dambeysta.




Tansaniya ayaa iyadna soo garaacdey Kiiniya. Ciyaarrtan oo xiisa gaara leh waxay Burundi oo martigelinaysa la jirta xulka Tansaniya.
Xulka Somaliya ayaa halkan soo gaaray kadib markii ay soo garaaceen wadamada Itoobiya, Yugandha, Kiiniya halka au Burundi la galeen barbaro.



Haddii Somaliya ku guulaysato ciyaartan waxay noqonaysaa markii ugu horeysay ee xul Somaliyeed ku guulaysto tartan caalami ah. Waxase xusuus mudan in xulka Somaliya ee da’doodu tahay 17 jirka uu makasta soo gaari jirey kaalimaha dambe ee tartamada.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.