X

Dr Cali Khaliif oo aas qaran loogu sameeyay Muqdisho xilli aan la baadhin

Allaha u naxariistee Dr Cali Khallif Galaydh oo Khamiistii ku geeriyooday Jigjiga ayaa maanta aas qaran loogu sameeyay magaalada Muqdisho. Waxa meydka marxuunka laga soo dejiyay diyaarada kadibna la saaray calanka ay goob joog ka ahaayeen madaxweynaaha iyo xukuumadiisa.


”Waxaan codsanaynaa in la baadho meydka marxuun Cali Khaliif ayuu yiri afhayeen u hadlay qoyskiisa laakiin waxa muuqata in aan la fulin codsigaas.

Warka ka soo baxay dawlada Somali galbeed e ahaa gerida Dr Cali Khaliif ayaa ah mid aan lagu kalsoonaan karin waayo warbixinta ay bixiyeen oo ah mid xaqiiq ka fog.


”Anigu ma maqal qof hargabka Koroona ku dhacay oo shubanleh waayo waa lanoo sheegi lahaa haddii shuban ku jiro astaamaha Koroona ayuu raaciyay Cali Calasow.

Su’aasha kale ee imaan karta ayaa ah yay ahaayeen cadowgiisa, ayadoo la sheegayo in astaamaha uu u dhintey Dr Cali Khaliif iyo Cawke ay isku mid ahaayeen, oo halmar lagu soo booday.


Si kastaba ha ahaatee waxaa kale oo is weydiin leh cida hadhow loo raacayo hadayba noqoto in la sumeeyay, taas oo u baahan khuburo caalami ah. Waana sababta dadka qaarkii u arkeen in RABI loo dhaafo.

Maxamed yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.