X

Dil laga argagaxay oo ka dhacay Burco

Waxa magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ka dhacay dil aad looga argagaxay oo lagula kacay hooyo lagu magacaabo Ugbaad Cali Dhaban-loox. “Waxa gabadha la helay meydkeeda xalay sida booliiska magaaladu xaqiijay.


” Waxaan dilka gabadha u soo qabanay eedaysane waxaan ku wadnaa baadhis ayay sheegeen booliiska. Inta badan gabdhaha la dilo ayaa maamulada dalka Ka jiraa aanay cadaalada marin dadka gaysta tana kama duwanaanayso ayuu yiri Xuseen Warsame.

Waxaba eeda la saaraa gabadha oo la yiraa maxaa iyada bixiyay halkii waajibkooda ay gudan lahaayeen ayuu raaciyay Xuseen Warsame.


Dilkan ayaa aad looga baxay maadaama hooyadu ka tagtey sadex caruura oo hadda u baahan daryeel. Lama garan karo inuu ninkeeda yahay oo hinaase soo galay iyo inuu yahay ninkale oo dhexda u galay.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.